Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ka hadlay heshiiska doorashooyinka iyo amniga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo mida amni ee dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn soo dhoweeyey heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskaas uu dalka ka bad-baadiyey dhibaato ku soo wajahneyd, sida uu hadalka u dhigay.

“Heshiiska Doorashada waa heshiis badbaadiyay dhibaato Somalia kusoo wajahneed xiliga kala guurka, waana soo dhaweyneynaa, waxaan u mahad celinayaa dadka ka Shaqeeyay, waxaana ku baaqeeynaa in la dhaqan geliyo.” ayuu yiri CC Cabdishakuur.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka ee dalka, isaga oo shaaciyey in hay’adaha amniga ay ku dhex-milmeen siyaasadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda federaalka, haddii uu tanaasul sameynayo inuu dib u habeyn ku sameeyo taliska NISA.

Hadalka siyaasigan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey shirkii wada-tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo xal looga gaaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this