Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo faah faahisay howl-gallo laga sameeyey M/Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa bulshada ku nool gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la arkayey, iyaga oo baaraya xaafadaha qaar ee magaalada iyo gaadiidka isticmaalaya waddooyinka.

Gaashaanle Warsame Axmed Delle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi, wuxuuna sheegay in u jeedkoodu ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi.

Dhowan ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay magaalada Kismaayo oo xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this