Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Maxaadan ogeyn oo ay ciidamada dowladda ka wadaan GALMUDUG?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ay saaka ka bilaabeen deegaano ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqyadan oo lagu sugayay amniga deegaanadaasi, ayaa daba socday dagaal ay ciidamda guutada 15-aad qeybta 21-aad ku galeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Howl-galadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kuwo deegaanada Galmudug looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab, oo dagaal-yahano ka tirsan kooxdaasi ay gacanta ku hayaan.

Saraakiisha howl-galkaasi hoggaamineysay oo warbaahinta la hadashay ayaa waxay sheegeen inay Al-Shabaab deegaanadaasi ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa si weyn looga deyrinayay awooda ay Al-Shabaab ku yeelaneyso Galmudug, tan iyo markii deeganadaasi laga saaray ururka Ahlu-Sunna oo dagaal xoogan uga saaray deegaanadaasi dagaal-yahanada xagjirka ah.

The post Warbixin: Maxaadan ogeyn oo ay ciidamada dowladda ka wadaan GALMUDUG? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this