Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo Codka Kalsoonida weydiistay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble.jpg?resize=1000%2C772&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo markii u horraysay Xalay farriin soo diray, ayaa Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ka codsaday, in ay siiyaan Codka Kalsoonida.

Waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Rooble, ayaa sidoo kale xalay la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan, ku xigeenkiisa Kowaad  Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaanno kale.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ,ayaa sida qorshaysan Isniinta soo socota hortegi doona Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida, kadibna waxa uu soo dhisi doonaa xukuumad cusub.

Halkaan ka daawo Farriinta Ra’iisul wasaaraha

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo Codka Kalsoonida weydiistay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this