Deeq A. Posted September 20, 2020 Wararka ayaa sheegaya in saacadihii tagay kufsi kale uu ka dhacay caasimadda Muqdisho, markan waa gabar saqiir ah oo 5 jir ah, Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la sheegayaa in lagu kufsaday Waaxda Faanoole, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho iyada oo ninkii fara xumeeyeyna uu baxsaday. 12-kii bishan ayey aheyd markii la weriyey in wiil yar lagu kufsaday xaafadda Djibouti ee degmada Shingani, wiilkan waxaa uu jiray 10 sano. 11-kii isla bishan waxaa inta la kufsaday, dabaq laga tuuray gabar 19 jir aheyd, waa Xamadi Maxamed Faarax, in ka badan 5 qof ayaa loo hayaa kiiskeeda. Arrimahan kufsiga ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho xilli hindise sharciyeed la xiriira kufsiga uu yaalo golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites