Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo farriin u diray BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriintiisii ugu horreysay diray, isaga oo kula hadlay xildhibaanada BF Soomaaliya.

Rooble Golaha Shacabka la dalbaday inay codka kalsoonida ah siiyaan, si uu uguto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Hoos Ka Akhriso Farriinta:

Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim,

Asalaamu Caleykum Wa raxmatullaahi wa barakaatu

Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this