Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Deeqo Yaasiin oo shaacisay in la siyaasadeeyey sharciga Jinsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Deeqo Yaasiin oo la hadashay Shabelle ayaa sheegtay in aysan sax aheyn sida looga fal-celiyey sharciga dambiyadda Galmada la xiriira ee muranka ka dhex-dhaliyey Golaha Shacabka.

Deeqo ayaa sheegtay in sharcigan uu baarlamaanka horyaallay muddo labo sano ah, islamarkaana ay jiraan dad dano shaqsiyeed leh oo faham qaldan bulshadda ka siinaya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la shaqsiyadeynayo sharcigan oo ay tilmaamtay inuu yahay sharciga dambiyada jinsiga ee xukuumadda Soomaaliya.

Wareysiga ay Shabelle TV siisay wasiirka haweenka ayey sidoo kale ku sheegtay in ay ka xun  tahay, iyada oo aan waxba la hubsan in xitaa loo geystay Aflagaado shaqsi, waxayna gabi ahaanba meesha ka saartay wararka tibaaxaya in ay u ololeyneyso ficillo ka dhan ah Diinta Islaamka.

Wasiiradda ayaa ka soo muuqatay muuqaal baahiyaha Shabelle iyada oo gacanta ku haysata Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo muujinaysa in ay tahay haweeney ku dhaqanta Kalaamka Alle iyo Sunnadii Nebi Muxamed ( NNKH).

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this