Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay guddoonka Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa waxuu u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha cusub, guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Sidoo kale waxaa kulanka ka soo muuqday sii hayaha wasiirka Cadaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo la xiriira kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub oo hortagi doono baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 18-kii bishan Ra’iisul wasaare u xushay Maxamed Xuseen Roobe oo ah aqooyahan ku cusub saaxadda siyaasadda, wuxuuna bedalayaa Xasan Cali Khayre oo codka kalsoonida ay kala noqdeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Haddii uu codka kalsoonida ah ka helo Baarlmaanka, Rooble waxaa horyaallo shaqooyin culus oo ay ugu horreyso doorashada 2020 illaa 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this