Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eritrea Oo Urur Cusub Samaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidda ay sheegayaan xogo ay faafiyeen mareegaha wararku , 3 dawladood ee Somaliya , Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku heshiiyey urur goboleed cusub oo magaciisa loo bixiyey Horn of africa corporation ( HOAC) urur goboleedkaas oo ujeedadiisa laggu sheegay aasaaska suuq ganacsi oo ka dhaxeeya wadamada bariga iyo koonfurta afrika iyo dhismaha ciidamo wada jira oo u taagan nabad ilaalinta bariga afrika ( Eastern Africa stand by force ).

Heshiiska dhismaha urur goboleedkan oo ay saxeexeen sadexda hogaamiye ee sadexdaa wadan 27-jenuary 2020 , ayaa laggu heshiiyey in lagga ansixiyo ururka midnimadda Afrika.

Ururkan HOAC ayaan ujeedooyinkiisa rasmiga ah weli aan shaaca lagga qaadin , baarlamaanadda wadamadaasna aan lasoo hordhigin , welina ma cadda mabaadida rasmiga ah ee ururkani u taagan yahay.

Dhinaca kale , wadamadda Kenya , Sodan , Djabouti iyo Uganda oo xubno ka ah urur goboleedka Igad ayaan qayb ka ahayn ururkan , iyadoo loo arko in ururkani yahay mid meesha ka saaraya ururkii Igad.

Geesta kale , xaaladaha amni ee wadamadan ayaa ah kuwo aan degenayn , wadamadda Itoobiya iyo Soomaaliyana mid walba waxaa haystay culays nabadgalyo , waxaana adag isu socodka dhexdiisa , sidoo kale Ereteriya iyo Itoobiya ayaa iyaguna kala xidhan oo aanay jirin isu socod u dhaxeeya oo dhinaca dhulka sidaa darteed waxaan suurta gal ahayn suuq ganacsi oo dhex mari kara wadamadan.

Si kastaba ha ahaatee , gobolka geeska afrika waxaa ka socda isbadalo waawayn , waxaana kusoo wajahan loolanka wadamadda waawayn ee ku loolamaya siyaasadaha caalamka , waxaana durba muuqata sida wadamadda geesku ugu kala qaybsamayaan , sidaa darteed Somaliland waxaa la gudboon in ay si dhaw ula socoto waayaha hareeraheeda ka socda , ciyaarahana dhinaceeda ka gasho .

Waxa Diyaariyay Axmed Nuur Guruuje

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this