Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Somalia wuxuu cadaystay inuu Dagaal Cad oo Diplomaasiyadeed…

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Somalia wuxuu cadaystay inuu Dagaal Cad oo Diplomaasiyadeed ku Qaado Somaliland, ka dib markii uu International community-ga iyo Deeq-bixinayaasha u gudbiyey Maamulkaasi Liisas Doorasho oo ka soo Jeeda dhalasho ahaan Somaliland, oo laga soo Dooran doono Xamar, kuwaasi oo la doonayo in lagu Qanciyo Caalamka in ay matalaan Somaliland.

Calooshooda u shaqeystayaasha ka soo Jeeda dhalasho ahaan Somaliland waxaa loo haystay markii hore dad Xamar u shaqo tagay, Laakiin waxaa iminka Cadaatay in ay yihiin khaainul-wadaniin loo adeegsanayo Burburinta himiladda ummada reer Somaliland ay ku doonayaan coriyadooda ee ay u soo galaan halganka dheer.

Waxaa hadaba la gudboon ummada Somaliland in aynu u Diyaar Garowno sidii looga hortagi lahaa Dagaalkan foosha xun ee loo adeegsanayo kuwo inagu Abtirsada laakiin la soo saftay cadowga Somaliland. Iyo Sidii looga dhaadhicin lahaa caalamka in aanay Jirin cid Somaliland ku matasha maamulka Somalia, Cida kaliya ee matasha ummadda iyo qaranka Somaliland ay tahay dowladooda iyo madaxda ay doorteen.

Allaa Mahad leh

Ali Mahamed Waranade
Hargeisa-Somaliland

S

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this