Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay diyaaraddii ku dhacday Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiirka gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar)  ayaa faah faahin ka bixiyey shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Oomaar ayaa sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen illaaa 4-qof oo isugu jira duuliyeyaasha iyo shaqaale, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyop fud-fudud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu burbur diyaaradda dhacday ka soo gaaray qeybta hore, kaddib markii ay ku dhufsatay derbi shub ah oo ah xayndaabka garoonka.

Wasiirka gaadiidka duulista hawada Soomaaliya ma shaacin sababta dhalisay shilkaasi ku yimid diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Diyaaradda oo uu numberkeedu yahay 5Y-MHT ayaa u diiwaan-gashan shirkadda Silverstone ee dalka Kenya ee dalka Kenya, basle waxa ay u kireysneyd shirkad Soomaali ah oo la yiraahdo Saacid Airlines, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

The post DF Soomaaliya oo war ka soo saartay diyaaraddii ku dhacday Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this