Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Faah faahino ka soo baxaya shil diyaaradeed oo ka dhacay Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay diyaarad ku dhacday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo uu nuuceedu yahay 5Y-MHT ayaa shilka gashay, kadib markii ay qaybta hore ku dhufsatay darbiga dhismaha garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay la socdeen illaa afar qof oo ay ku jiraan duuliyaha iyo caawiyihiisa, waxaana shilkaasi  ku dhaawacmay laba qof, halka ay badqabaa 2-da kale.

Sidoo kale howlwadeenada garoonka ayaa gurmad deg-deg ah siiyey diyaaradda, taas oo sahashay in laga hortago inuu dab ka kaco.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in diyaaradda oo ah nooca xamuumlka qaada uu adeegsanayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Soomaaliya ku soo badanayey shilalka diyaaradeed,  waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119882552_3357721677650548_609973942947179921_n 119893000_3357722344317148_3018395703302036756_n 119729783_3357722060983843_7823884836013310955_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this