Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo jeediyay baaq ku saabsan Heshiiskii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-qoorka.jpg?resize=1000%2C853&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay xafladda xiritaanka shirkii Muqdisho, ayaa ka hadlay arrima kala duwan.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa si guud ugu mahadceliyay Madaxda iyo wufuudii kasoo qeybgashay Shirka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo sida uu sheegay  muujiyay odaytinimo iyo tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi.

Mudane Qoor Qoor, ayaa sheegay in ay  muhiim tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta waqtigeeda, waxaana uu bogaadiyay Heshiiska Arrimaha Doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Madaxweyne Galmudug, wuxuu ugu danbeyntii ka codsaday dhammaan dadka soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan heshiiskaan taariikhiga ah oo laga gaaray Hannaanka Doorashada Dalka.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor oo jeediyay baaq ku saabsan Heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this