Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada oo war ka soo saartay heshiiskii doorashada fariina u dirtay BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhaweeyey qodobadii ay shalay heshiiska uga gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada hanaanka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Madasha oo ka kooban sagaal qodob ayaa lagu yiri, “Madashu waxay mar kasta ugu baaqeysay madaxda shirka in xaaladda kala guurka ah ee dalku uu ku sugan yahay markasta loo maareeyo hanaan horay u socod siinaya dib u dhiska dowladnimada dalka.”

Madasha ayaa qoraalkan ku soo dhaweysay hanaanka doorasho oo ay ku heshiiyeen labada madax dowladeed, “Anagoo gar-waaqsan in lagu fashilmay balan-qaadkii ahaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ku saleysan xisbiyo badan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Madasha ayaa ku baaqday in la sameeyo guddiga xalinta khilaafaadka, isla markaana kormeerayaal caalami ah ay goobjoog ka noqdaan xubnaha ku metelaya gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa guddoonka labada Aqal ee BFS ugu baaqday inay qeyb ka noqdaan heshiiskaas siyaasadeed, iyagoo dhameystiraya hananka wada-ogolka ee doorashooyinka 2020-2021-ka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadedka oo dhameystiran

FB_IMG_1600445279094.jpg FB_IMG_1600445281702.jpg

The post Madasha Xisbiyada oo war ka soo saartay heshiiskii doorashada fariina u dirtay BF first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this