Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo qabatay caruur lagala soo goostay dhanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka magaalada Cadaado ayaa maanta ku guuleystay inay soo qabtaan caruur lagala soo goostay magaalada Qardho ee dowlad goboleedka Puntland.

Caruurtaan oo tiradooda ay gaareyso illaa 8 ayaa waxaa lagu hayey gudaha magaalada Cadaado, iyadoona ciidamadu ay si awood ah ku soo bad-baadiyeen caruurtaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay inay goor hore heleen xogta ku saabsan caruurta, balse ay ku guuleysteen inay soo furtaan, wuxuuna sheegay inay ku wareejiyeen Aabaha dhalay caruurta oo ay muddo laba sanadood ah ka maqnaayeen.

Sidoo kale Aabaha caruurta ayaa u mahad-celiyay maamulka magaalada Cadaado iyo dadka shacabka ah kuwaas oo gacan ka geystay in loo soo helo caruurtiisa.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay jaamacada Takfiir oo la sheegay inay heysteen ilmahaasi inay joojiyaan caruurta ay sida dhuumaaleysiga ah dadka uga qaadanayaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this