Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa dhici kara haddii uu baarlamaanku diido heshiika DF iyo Maamul Goboleedyada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho, waxaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay shir dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya uga socday maalmihii la soo dhaafay oo looga hadlayay arrimaha ku gadaaman habka iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-ka iyo 2021-ka,waxaana laga soo saaray ugu dambeyn war-Murtiyeed ka kooban 15 qodob .

Heshiiska cusub ayaa meesha ka saaraya heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubalannd. Si loo dhaqan geliyo, heshiiskan wuxuu u baahan yahay in marka hore ay baarlamaanka ansixiyaan.

Qodobbada lagu heshiiyay oo gaarayo illaa 15 qodob waxaa lagu wadaa in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo isla markaana ay ansixiyaan, hasayeshee waxaa su’aal la iska waydiinayaa ma ansixin doonaan baarlamaanku maadama 15-kii bishii Luulyo ee aynu ka soo gudubnay uu guddoomiyaha baaralmaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Muddooyinkii ay socdeen wadahadallada arrimaha doorashooyinka oo soo maray marxalado kala duwan ayaa qaar badan oo ka mid ah xubnaha golaha shacabku waxaa ay ku doodayeen in ay muhiim tahay in dalka doorasho ka dhacdo iyaga oo u cuskanayay balan qaadkii madaxda sare ee dowladda iyo in sharci ahaan wakhtiga laamaha kala duwan ee dowoladda uu hadda dhamaad yahay.

“Horta golaha shacabku wax uu gaar u leeyahay oo oalaha kale aanu la laheyn waxaa weeye waxaan inaaney u fahmin awood ay leeyihiine in ay is dhaafiyaan ayaa la qaatay”ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii xitaa baarlamaanku isku dayo inuu diido ansixinta heshiiskaan laga gaaray arrimaha doorashada Soomaaliya aan loo joojin doonin isla markaana laga socon doono loona arki doono baarlamaanka in ay rabaan in si sharci darro ah ay ku sii joogaan kuraasta.

“Anigu intaan ka fahamsanahay xataa haddii ay ka horyimaadaan waa laga soconayaa oo cidna u istaagi mayso waayo waa niman in ay sii joogaan raba ayaa la leeyahay go’aan ka gaara”.

The post Maxaa dhici kara haddii uu baarlamaanku diido heshiika DF iyo Maamul Goboleedyada? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this