Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geytay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolkaasi.

Ugu yaraan illaa 2 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa isku heysta arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, iyaga oo marar badan ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa haaatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya maleeshiyaadka labada Beel ee ku dagaalamay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this