Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Mareykanka ee Afrika iyo militariga Faransiiska oo ka hadlay xoojinta iskaashigooda dhinaca Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyeyaasha Taliska Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend  iyo saraakiil uu hogaaminaayo taliyaga Ciidamada Dalka Faransiiska General François Lecointre,ayaa isku afgartay sii wadista iskaashiga Mareykanka iyo Faransiiska ee dhinaca Afrika .

Jeneraal Stephen Townsend, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa yiri “Faransiiska waa saaxiibka ugu da’da weyn Mareykanka waana hogaamiyaha la dagaalanka argagixisada Afrika.”

Hogaamiyaasha ayaa sidoo kale kawada hadlay tartanka awoodeed ee dunidu ugu jirto Africa iyo sida dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay u daneynayaan qaaradda.

Hoggaamiyaha Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qiray guushii duulaanka uu hogaaminaayey  Faransiiska ee lagu dilay mid ka mid ah taliyayaashii ugu weynaa Al-Qaida, Abdelmalek Droukdal, bishii Juun.

Mawduucyada laga hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa mudnaanta ay leedahay qaaradda Afrika, iskaashiga laba dale e Franco-America iyo la dagaallanka ururrada xagjirka ah ee rabshadaha ka wada ee Galbeedka Afrika.

PUNTLAND POST

The post Taliska Mareykanka ee Afrika iyo militariga Faransiiska oo ka hadlay xoojinta iskaashigooda dhinaca Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this