Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaxweynaha Way Ka Dhammaatay Isagu Inuu Markale Guddoomiye Isu Soo Sharaxo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaxweynaha way ka dhammaatay isagu inuu markale Guddoomiye isu soo sharaxo.

Inta soo hadhay Gar-iyo Garawshiiyo Mawleeyahay Inuu Tartan U Galo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Mr. Xaashi.?

Xeer Xisbi oo loo codeeyay ayaa Madaxweynaha ka hor joogsanaaya inuu markale noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye . 2009-kii Shirkii Burco ayaa midaas lagu ansixiyay marka isaga sharci ahaan qiil uma furna, wuxuuna xeerkaas oo Golaha dhexe u codeeyay dhigaya “In jagada Guddoomiyaha uu baneeyo Madaxweynaha la doortay ” Waa xeer uu KULMIYE dhigtay oo ku heshiiyay. . Inta soo hadhay ee Kaadirka Kulmiye inuu dhex u noqdo ayay ahayd waxaa hadda socda mid taas ka duwan weeye oo aynu ku magacaabi karo dhac iyo boob Xisbi Qaran.

Wixiii shalay kula hagaagsana maha inay Maanta kula xumadaan. Waxaan arkaayay dhalinyaro, madaxdhaqameed iyo waxgarad dalbanaaya in aan la afduubin Shirka Xisbiga Kulmiye, dhawaaqyadaasi dhammaantod gar weeye Shalay ayay ahayd markii dhalinyaro iyo haween qiiraysani ay qaylo iyo qaraxyo ku dalbanayeen in Muuse Biixi Cabdi xaq u leeyahay Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye, haddii ay tii shalay gar ahayd oo daw loo arkaayay maxaa dhawaaqa maanta ee Xaashi loo qariib sanayaa.

Kulmiye hore ayuu nidaamkii Axsaabta u kufsaday oo qabiil iyo qoqob ummaddii wada dhalatay ee Dalka wada lahayd ku kala irdheeyay, maantana markale ayuu kufsanayaa dimuquraadiyadii, waxaynu maqlaynay weedho xajiin leh oo Wasiir Saajin ka soo yeedhay “Gudabiirsiyow kursiga afraad ku soo kala baxa “. Weedh afka odhaahdiisa ku dhanaan ummadana aan qaban weeye. Dhalinyaradda Hargaysa iyo Burco ka baafinaaya Tartan bilaa afduub ah in hoggaanka Kulmiye loo galo oo laga daayo mido roortaynta waxaan qaba inay gar iyo garawshiiyo u leeyihiin, u dhagoolayntoodu waxay dhawacaysa wixii lawada laha oo awalba Naxash dushii saarna iyo dimuquraadiyadii aynu afka baarkiisa ka sheeganaynay. Hadalku wuxuu ku dhanyahay annagu Xisbiga Waddani haddaanu nahay wuxuu garnaqayagu yahay ” Madaxweynaha iyo inta ku xeerani yaanay Kulmiye oo Xisbi Qaran ah ku gawracin damac indho la’aaneed iyo afduub inaga dhaawici kara himiladii dawladnimo ee Waddankeenu hayaanka ugu jiray..”.

Jimce Wanaagsan ..

Tusan..
Muniir Axmed Cigaal..

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this