Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo hambalyo u diray Ra’iisul wasaaraha cusub ee la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u hambalyeeyay Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa yiri, “Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan Hambalyo u dirayaa Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay xilka Ra’isul wasaaraha dalka”

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale yiri, “maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho waxa ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ra’isul wasaaraha cusub ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan sidoo kale u rajeynaaya in uu ilaahey u fududeeyo mas’uuliyada culus ee laguu igmaday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this