Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku xigeenkii Diinta iyo Awqaafta Hirshabeelle oo lagu dilay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Hirshabeelle, sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awgaafta Hirshabeelle Nuur Xaashi Warsame, ayaa Caawa lagu dilay Magaalada Jowhar.

Marxuumka ayaa kooxo hubaysan Rasaas ku fureen, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdii weerarka gaysatay ayaa Goobta isaga baxsaday, iyadoo aysan jirin ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumka.

 Bishii hore, ayaa sidaan oo kale wasiirkii Beeraha  Hirshabelle oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Cabdqaadir Abuukar Karaani waxa lagu dilay magaalada Jowhar.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ku xigeenkii Diinta iyo Awqaafta Hirshabeelle oo lagu dilay Jowhar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this