Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay Macalimiintii lagu laayey Cadale

Recommended Posts

Deeq A.   

Siihaya xilka Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaasi kulul uga hadlay dhacdadii maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Raage Celle ee gobolka Sh/Dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Mahadi Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka xun tahay falkaasi arxan darrada ah.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen shantii qof ee saaka aroortii hore lagu dilay gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Aad baan uga xumahay dilka rag culimmo ah loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen.
Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga.” ayuu yiri sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka.

Allaha u naxariistii dilka Macaliiminta ayaa la sheegay inuu salka hayo dilal la xiira aano Qabiil oo ka taagan deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this