Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo ka hadlay faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin cusub ayaa Midowga Yurub kasoo saarey xaaladda Soomaaliya iyo faragelinta Imaaraadka Carabta ee dhinac siyaasadda, taasoo saameyn ku yeelatay amniga iyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Midowga Yurub ayaa sheegay in khilaafka saddex sano jirsaday ee u dhaxeeyay dalalka Khaliijka Carabta uu saameyn xun ku yeeshay dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya dagaallo ku dhawaad 30 sano ka socday.

“Imaaraadka wali wuxuu sii wadaa ficilo muuqda, oo dhaawacaya si toos ah amniga iyo horumarka dhinaca siyaasadda dalka Soomaaliya, wuxuu ka dhex abuuray khilaaf dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, kaasoo wiiqay iskaashigii amniga qaranka, doorashooyinka iyo arrimaha horumarka,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.

Waxuu Midowga Yurub dhanka kale ugu baaqey Imaaraadka inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha Soomaaliya, islamarkaana ilaaliyo madax-banaaninada dalka.

Gollaha Amaanka ayaa horey u sheegay in dhuxusha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya in loo iib geeyo Imaaraadka, iyadoo loo marsiinayo wadanka Iran, taasoo dhaqaale badan ka heshay Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa sheegay in amniga Soomaaliya uu hadda marayo meel xasaasi ah, islamarkaana uu saameyn ku yeeshay xasiloonida gobolka Geeska Africa iyo meelo ka baxsan.

“Midowga Yurub wuxuu aaminsan yahay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya aaney awoodin inay fuliso waajidbaadka saaran, iyadoo Ciidanka qaranka, inkastoo horumar sameeyay haddana wali ma awoodo inuu kahor tago khatarta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale, Midowga Yurub wuxuu ka hadlay Ciidamada AMISOM ee lagu wado inay dalka ka baxaan December 2021, islamarkaana ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wuxuu Midowga Yurub ugu baaqay African Union inuu sameeyay isagoo kaashanaya dowladda Federaalka qorsho waxtar leh, oo lagu buuxin karo booska AMISOM marka ay faarujiyaan Soomaaliya sanadka soo socda dhamaadkiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this