Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 200 oo maxbuus oo ka baxsatay xabsi ku yaal waddan Somali badan ku nooshahay

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 200 oo maxbuus oo ka baxsatay xabsi ku yaal waddan Somali badan ku nooshahay

File picture of Mount Moroto in Karamoja
Maxaabiista ayaa la rumaysan yahay inay ka baxsadeen xabsiga ku yaal dhuldhaca buurta Moroto

In ka badan 200 oo maxaabiis ah ayaa waxa ay ka baxsadeen xabsigii lagu hayay ee ku yaallay magaalada Moroto, ee waqooyi bari waddanka Uganda.

Maxaabiista ayaa waxa ay toogteen oo ay khaarajiyeen askari iskudayay inuu hor istaago, ka hor inta aanay u jihaysan dhinacaas iyo buuraha ku xeeran magaalada.

Maxaabiista ayaa la sheegayaa inay la baxsadeen 15 qori iyo rasaas.

Xabsiga ayaa waxa uu ka dhisanyahay dhuldhaca buurta Moroto ee ku taal bannaanka magaalada.

maxaabiis.jpg

Ciidammada asluubta iyo milateriga ayaa waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan maxaabiistaasi baxsadka ah.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa waxa uu sheegay in weli ay ku daba jiraan maxaabiistaasi baxsadka ah, waxa uuna intaasi ku daray inay laba qof nolol ku qabteen halka laba kalana ay dileen.

Warbaahinta gudaha ayaa waxa ay ku warramaysaa in israsaasaynta u dhaxaysay maxaabiista baxsadka ah iyo askarta ayaa waxa ay sababtay inuu istaago ganacsigii magaalada.

Map: Map showing Moroto in north-east Uganda

Moroto ayaa ah magaalada ugu wayn ee ku taal gobolka Karamoja, gobalkaasi oo ku caanbaxay rasbashado la xiriira dhaca xoolaha gaar ahaan lo’da.

Barnaamijka hub ka dhigista dowladda ee bilowday horraantii 2002, ayaa inta badan waxaa lagu soo xareeyay hubkii ku jiray gacanta dadka rayidka ah. Hasayeeshee iskudhacyada u dhaxeeya bulshooyinka kala duwan ayaa inta kasii socday gobolkaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this