Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guray oo Weearar Qaawan oo Afka ah ku qaaday Wasiir Reer jabuuti,Halkuuse kala qaaday!

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali Guray oo Weearar Qaawan oo Afka ah ku qaaday Wasiir Reer jabuuti,Halkuuse kala qaaday!
 guray.png

“Iska Daa Qiyam Diineed Eh, Waa Qof ka Madhan Wanaag Oo Dhan Oo Aan Seedi U Dhanaanayn, Waa Munaafaq Hadana Muuminow La Leeyahay”Siyaasi Cali Guray.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo Kamid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Islamarkaana mudooyinkii ugu Danbeeyay safar ku joogay Caasimada dalka jabuuti, ayaa Eedihii ugu cuslaa Ujeediyay Wasiirka  Diinta Iyo Arimaha Dhaqanka Ee Dalka Jabuuti Muumin Xasan Bare.

 

Sidoo Kale Siyaasi Cali Guray Ayaa Sheegay In Wasiirka arimaha Diinta ee dalka jabuuti uu Yahay munaafaq dadka isku dira loogu Yeedhay Muumin,

wasiirka-diinta-jabuuti.png?resize=478%2

Siyaasi Cali Guray Ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

WASIIR LA IIDAY UUN IGA DHEH KA ARIMAHA DIINTA, AWQAAFTA, IYO DHAQANKA EE JABUUTI

Qura’aanku Waa Carabi Balse Carabigu quraan maaha. Nin jariidad yar oo af carabi ah malmaluuqi jiray marka kabo ka waawayn loo xidho ee Wasiir laga dhigo (Wasiirka Arimaha Diinta. Awqaafta, iyo Dhaqanka ee Jabuuti) weliba arimaha Diinta, Dhaqanka, iyo Awqaafta la isugu daro wuu faaqaa. Kan gabadha reer Jabuuti ee Canfarta ah ee af soomaaliga badan ee Ina Bukaaco ay yidhaahdaan ayaa ka dadnimo fiican oo ka wadanisan oo dalkeeda Djibouti uga lexojeco badan oo ka damiir wanaagsan. Halkaan kala qaaday ma jecli in aan wax faahfaahin ah ka bixiyo oo waxay noqonaysaa fadeexad sideeda u taal. Mid baanse laaxin laga jarayn oo aan gunta soo taabtay qiyaamahana la i waydiin doonaa. Waxa ku dhan calaamadihii Rasuulku scw inoogu sifeeyay qofka munaafaqa ah

ادا حدث كدب و ادا اُمن خان و ادا و عد اخلف

Waxa u dheer dirodiraynta. Iska daa qiyam diineed eh waa qof ka madhan wanaag oo dhan oo aan seedi u dhanaanayn. Waa munaafaq hadana Muuminow la leeyahay aragii nactar.

Aniga xagyga Ixtiraamku maaha waxa dhinac keliya ka socon kara ee waa xidhiidh u baahan mar kasta laba dhinac oo iswaydaarasada. Cid keligeed xaq u leh in la ixtiraamo iyaduna aanay cidna ixtiraamini ma jirto aniga xagayga.

Caligurey inta taqaan way ogyihiin oo markhaati bay ka yihiin inta aan difaaci jiray Dawladda Jabuuti. Tii ugu dambaysay Goddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo aan abti u ahay tii aan ku dhigay ayaa la ogaa. Iyaguna intaan kabahooda tolayay anigana kafantayda in ay tolayeen si fiican baan u ogaaday.

Anigu isdifaaca ma Aqaan oo difaca kuma wanaagsani. Difaacayguna waa weerar waana bilaw. Ninkii dab hindhisayow soo daa hadaba, oo gelin qudha ha ii tudhin

Caligurey.

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this