Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga oo howl-gallo ka sameeyey duleedka Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay soo saaraan qaraxyo miino, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ururka 66-aad guutada 14 Octeber ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Taliyaha Ururkaasi Axmed Maslax ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah ay ku soo qabteen howl-gallada, kuwaas oo si gaar ah looga sameeyey dhinaca bari ee Awdheegle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii xoojin doonaan howl-gallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this