Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Wararkii u dambeeyey ee shirka wada-tashiga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa xalay dib u billowday, maadaama labadii maalin ee la soo dhaafay ay wada-tashiyo ku kala maqnaayeen madaxda, sida ay shaaciyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa xalay shirka ku biiray guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo sii hayaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka, waxaana qodobada la’isku hayo ka mid ah:-

1-In aanay doorashadan maamulin Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, taas bedelkeed la sameeyo Guddi heer federaal iyo heer dowlad goboleed,

2-In doorashada aanan xisbi lagu gelin.

3-In deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana Muqdisho ka socda shirar gooni-gooni ah oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this