Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo 5 Macalin ku dishay gobolka Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo demada Cadale gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in 5 Macalin Dugsi Quraan la dilay, iyaga oo xilligaas ku jiray Subac ama Quraan akhris.

Weerarka lagu dilay Macalimiinta ayaa dhacay aroornimadii hore ee saaka, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan cida ay ka tirsan yihiin ayaa la sheegaya inay dilka geysteen. kana baxsadeen goobtan.

Shanta  Macalin Quraan ayaa Salaada subax ka hor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale oo ay u laabteen ay Dableydan dileen, mana jirto cid ka hadashay ilaa hadda.

Halkaan hoose ka aqriso magacyada Macalimiinta:-

1-Sheekh Daahir Xasan Cali

2-Macalin Maxamuud Canbuure

3- Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4-Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi

5-Ow Muxumud Xasan Cali.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this