Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban qaraxa kadib ka sameeyey halkaasi.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ku sii jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa gudaha Caasimada iyo nawaaxigeeda ka dhacayey qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this