Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay safiirka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay in Galmudug ay qaaday tallaabooyin horumarineed oo ku aadan dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo amniga, ayna wadamada Soomaaliya taageera oo Sweden ka mid tahay uga baahanyihiin inay ka gacansiiyaan arrimaha samafalka iyo horumarinta.

Staffan Tillander Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey waxqabadka Galmudugta cusub iyo doorka ay ka qaadanayso dhismaha dawladnimada Soomaaliya, iyadoo waliba curdan ah, waxaana uu balanqaaday in dawladda Sweden ay taageero la garab taagnaan doonto Galmudug iyo Soomaaliya oo dhan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this