Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka digtay dabeylo ku wajahan deegaanada maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Farriin digniin ah oo ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay todobaadkan la saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad lixaad leh oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara.

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu digtay dadka dagan dhulka biya mareenka ah, togagga iyo meelaha hooseeya inay taxadar gaar ah sameeyaan, kana fogaadaan meelaha u nugul halista imaan karta, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

Digniinta ah ayaa lagu sheegay in aan la sahashan saadaasha dhiillada leh, sidaas darteedna digniinta la gaarsiiyo bulshada gobolladaasi oo dhan, si ay diyaar garow uga sameeyaan xaaladaha la filan karo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this