Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Senatorada Aqalka Sare oo dhageystay warbixinta kiiska Xamdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano ka tirsan haweenka Aqalka Sare ee BF Somalia ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha hoggaanka laanta dambi baarista ee CID-da Korneyl Guuleed Sh. Xuseen.

Senatorada ayaa taliyaha waxay su’aallo ka weydiiyeen, halka ay mareyso baaritaanka dhacdadii kufsiga iyo dilka ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax.

Taliyaha hogaanka CID-da Kornel Guuleed Sheekh Xuseen ayaa sharaxaad ka siiyey Sanatorada haweenka ah ee Aqalka Sare baaritaanka kiiskaasi

Senator Jawaahir Axmed Cilmi Iyo Senator Nuura Faarax ayaa kulankaasi ka dib warbixin kooban ka bixiyey waxyaabihii uga so obaxay kulankooda iyo ka haween ahaan Aqalka Sare juhdiga ay ku bixinayaan in ay cadaalad hesho marxuumadda.

Ugu dambeyn xubnahan ayaa ka codsday shacabka inay taxadar muujiyaan oo aysan ka hor-dhicin baaritaanada socda oo ay wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

11 2 3 4 5

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this