Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo qabtay askari dil ka geystay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka ammaanka ee ka howl-gala gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Puntland oo dhawaan qof shacab ah ku dilay magaaladaasi, kadibna baxsaday.

Taliyaha qeybta Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in laamaha amniga ay  sameeyeen howl-gallo kala duwan oo lagu raadinayey askarigaas oo si bareer u dilay Nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Daahir Aadan iyo labo qof oo kal.

Muumin Cabdi Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in askarigaas gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay deegaanka Shakaal ee hoostega degmada Jariiban ee G/Mudug.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhowaan ay soo taagi doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this