Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye Xisbi oo sheegay ineysan Farmaajo iyo kooxdiisa ku fiirsan doonin meesha ay dalka u wadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Ileys C/Qaadir Cosoble Cali ayaa si kulul uga hadlay xaaladda uu wadanka marayo, wuxuuna sheegay inaan dalka lagu fiirsan doonin waxa ay ka sameynayaan madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa.

C/Qaadir Cosoble oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa si aan gambasho laheyn u sheegay iney bilaabi doonaan nidaam lagu dhisaayo dowlad dastuurka dhawrta, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan lasii fiirsan doonin ku tumashada iyo ku takri falka awoodeed ee hadda ka socda dalka.

“Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa la joogta kuma fiirsan doono dalka, waxaan bilaabi doonaa nidaam Soomaaliya dowlad loogu dhisi doono, ma jirto cid uu xoog ku xukumi doono Farmaajo iyo qof uu la sii joogi doono” ayuu yiri C/Qaadir Cosoble.

Xildhibaanka wuxuu aaminsan yahay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhabarka u ridan doono dhibaato walba oo dalka ku timaada, maadaama uu meel isaga tuuray shuruucdii dalka u taallay.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu iska tuuray Dastuurka” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyntii Xildhibaan C/Qaadir Cosoble wuxuu sheegay in fowdo walba oo ka dhalata sharci jabinta madaxweynaha uu eediisa qaadanaayo, sidoo kalana burbur walba oo Soomaaliya ku yimaado uu isaga masuul ka noqonaayo.

The post Hogaamiye Xisbi oo sheegay ineysan Farmaajo iyo kooxdiisa ku fiirsan doonin meesha ay dalka u wadaan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this