Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa oo ballan-qaad ku sameeyey kulan uu la qaatay madaxweyne Lafta-gareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay hoyga uu ka dagan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Taliye Odowaa ayaa wacad ku maray inay dib u furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii uu madaxweyne Lafta-gareen kala hadlay sidii ciidanka xooga dalku uga qeyb qaadan lahaayeen dib u furista waddooyinkaasi.

Odowaa ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka ay bilaabi doonaan howl-galo ay dib ugu furayaan waddooyinkaasi go’doonka ugu jira Al-Shabaab, kuwaasi oo muhiim u ah isku xirka degmooyinka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa taliyaha ku bogaadiyay shaqada uu qaranka u hayo, isagoona hoosta ka xariiqay dadaalada uu muddooyinkii dambe uu galiyay howl-galada ciidanka xooga dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, taliye Odowaa ayaa amar deg-deg ah dul dhigay ciidamada xooga dalka qeybta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kadib kulanka uu la qaatay madaxweyne Lafta-gareen.

Odowaa ayaa ciidamada faray inay qaadan howl-galo ay dib ugu furayaan waddooyinkaasi, oo muddooyinkii dambe go’doon ugu jiray dagaalyahano ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.Odowaa

The post Odowaa oo ballan-qaad ku sameeyey kulan uu la qaatay madaxweyne Lafta-gareen first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this