Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Muqdisho City Club Oo Gaartay Magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waxaana kooxdan casuumay naadiga Horseed ee ciidanka qalabka sida ee maamulka Puntland waxayna tani noqonaysaa mudo 15-sano ka dib ay koox ka socota caasimada ay gaarto gobolada dalka waxaana horay sidan oo kale samaysay naadiga Elman Sports Club

119473495_3206426336101707_8860540559186

Guddoomiyaha naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa u mahad celiyay Xiriirka kubbadda cagta,kooxaha iyo maamulka Puntland sida weyn ay u soo dhaweeyeen wuxuuna sheegay in ay tani qeyb ka qaadanayso horomarka iyo isdhaxgalka kooxaha.

Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Mustafa Cabdiraxmaan Majacase ayaa isna u mahad celiyay maamulka kooxda Dowladda hoose booqashadooda ay ku yimaadeen Puntland wuxuuna intaa ku daray in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta kooxaha kale ee ka dhisan guud ahaan Soomaaliya

Si kastaba naadiga Muqdisho City inta ay joogaan Puntland waxa ay ciayaridoonaan kulamo saaxiibtinimo oo loo qorsheeyay waxayna booqdandoonaan goobaha dalxiiska goobaha Puntlland

119621763_3206426442768363_1082491394561

Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this