Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo la kulmay wakiilada beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilada beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xubnaha uu Axmed Madoobe la kulmay waxaa ka mid ah wakiilka QM ee Soomaaliya safiirka Ingiriiska iyo wakiilo ka kala ka socday Maraykanka iyo Midowga Afrika.

Intiisa badan waxaa kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka iyo ammaanka.

Sidoo kale waxaa si qoto dheer loo falan-qeeyay marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho la’isla ogol-yahay.

Magaalaa Muqdisho waxaa haatan ka socda shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119576230_1841588675982025_8584345679386 119555638_1841588795982013_3020802932914 119592734_1841588915982001_5120423176206 119566272_1841588819315344_5421993407966

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this