Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey xarunta Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha Galmudug, dib u heshiista uu maamulkiisa wado, shirka wada-tashiga Muqdisho iyo qodobo kale.

Sidoo kale guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa weydiiyey su’aallo ku saabsan xaaladda Galmudug iyo mida federaalka, siiba arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday metelaadda gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in shacabka Muqdisho ay helaan xuquuqdooda.

“Waxaan rabaa inaan is dul taago arrinta gobalka Banaadir, Mudane guddoomiye waxaan rabaa Aqalka Sare muddo xileedkiisa 2aad inay metelaad ku yeeshaan dadka daga Gobalka Banaadir.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dhowaan Aqalka Sare waxaa tegay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iyaguna laga dhageystay khudbado xasaasi ah oo ay uga hadleen xaaladda guud ee dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119634487_3257414261045766_755206296536646176_n 119669697_3257414384379087_1135833239648262864_n 119570144_3257414041045788_9197654629614988672_n 119591181_3257414147712444_7598774423988180476_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this