Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo markale ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo markale ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar xoogan ku ekeeyeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow ee deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay marka hore madaafiic ku garaaceen saldhiggaasi, kadibna uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sidoo kale weli ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeemn weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray haatan dhaq-dhaqaqyo ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

Habeen hore ayey aheyd markii weerar kan la mid ah lagu qaaday isla saldhiggan oo ku yaalla xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

The post Dagaal culus oo markale ka dhacay duleedka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this