Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka Itoobiya oo isku toogtay Degmada Luuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta labo askari oo ka mid ah ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay isku toogteen degmadaasi.

Labada askari ayaa la sheegay in markii hore uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, kadibna ay isku soo qaateen hub, iskuna toogteen.

Meydadka labada askari ayaa goor dambe meesha laga qaaday, sida ay sheegeen  dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay toogashada ay isu geysteen askartaasi uu sababay muran ka dhashay haweeney saaxiib la aheyd labadaa Askari.

 

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga degmada Luuq iyo saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl-galka AMISOM  ayaa ku sugan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan  gobolka Gedo oo ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this