Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad Carbeed oo sharci darro ku tilmaantay taagerada ciidan ee uu Turkiga siiyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimada Online) – Dowlado Carbeed ayaa wada olole ka dhan ah wadanka Turkiga kaas oo si xoog leh uga soo horjeestay isbaheysiga ay la sameynayaan Yahuudda, waxeyna markaan dood ka keenayaan galaan-galka uu ku yeelanayo wadamada colaadaha kasoo kabanaya, sida Soomaaliya.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Racep Tayip Erdogan ayaa ku dadaaleysa iney dib usoo celiyaan saameyntii ay ku lahaayaan dalalka dibadda, waxaana lagu dhaleeceeyay xiriirka weyn oo ay la leeyahiin Soomaaliya.

Turkiga wuxuu taageero buuxda siiyay Soomaaliya, waliba dhanka militariga aad ayuu uga saaciday, taasna waxey keentay in Dowladda Jordan ay ku tilmaanto sharci darro.

Wargeyska The Jordan Times ayaa daabacay qoraal laga dheehan karo in lagu baaqayo dagaal ka dhan Turkiga oo ay sameeyaan dowladaha Carbeed iyadoo lasoo hadal qaaday saldhigyada ay ku leeyahiin Liibiya, Suuriya iyo Ciraaq oo ah saddex wadan oo carbeed.

Sidoo kale waxey warbixinta si toos ah u abaareysaa madaxweyne Racep Tayip Erdogan kaas oo lagu sheegay inuu xayeysiinayo awoodahooda.

“Turkiga wuxuu saldhigyo militari ku leeyahay wadamada Soomaaliya, Liibiya, Qadar, Ciraaq, Suuriya iyo waqooyiga Qubrus, dhamaantood ma heystaan ogolaansho sharci ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalka wargeyska lagu qoray.

Turkiga waxey saldhigga ugu weyn ee meel ka baxsan wadankooda ka dhiseen Muqdisho, waxaa lagu tababaraa ciidamada Soomaaliya kuwaas oo si gaar ah ula dirira kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

The post Dowlad Carbeed oo sharci darro ku tilmaantay taagerada ciidan ee uu Turkiga siiyo Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this