Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad cadheysan oo gubay fooqii Muqdisho ee lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad cadheysan oo gubay fooqii Muqdisho ee lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax

Dad carreysan oo gubay dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax

Boqolaal dadweyne ah oo ka cadheysnaa falkii arxandarrada ah ee lagula kacay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waabari.

Dadkan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha fooqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyaga oo dab qabad-siiyey.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in si deg-deg ah ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga ay jawaab uga bixiyaan dhacdadaasi argagaxa badan reebtay.

Allaha u naxariisee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Dilkeeda oo ay fuliyeen rag ma-naxayaal ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyaga oo kufsi u geystay, kadibna ka soo tuuray dhisme dabaq ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this