Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada oo Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhow xarunta Villa Somalia ka furmay shirkii arrimaha doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedka.

Shirka oo 3 jeer horay u baaqday ayaa la sheegayaa iney u dhan yihiin Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dood ka qaba natiijada Dhuusamareeb 3 iyaga oo doonaya in qodobo badan wa laga badalo sida kaalinta dowlad goboleedyada, ka qeybgalka xisbiyada siyaasadda iyo xataa iney ururka Xaliimo Yarey qabtaan doorashada.

Madasha xisbiyada qaran iyo madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa sidoo kale sheegtay iney ku adkeyneyso shirka in laga heshiiyo waqtiga doorashada inta aan laga hadlin nooca dooraso.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this