Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka dhacay magaalada Gaakacyo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada ammaanka ay weerareen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad xoogan.

Inta xaqiijiyey waxaa is-rasaaseyntaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland iyo dhaawac intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana shaqaaqadaasi ku baxay Odayaasha Dhaqanka ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this