Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo si rasmi ah u furmay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa kale ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirka ayaa waxaa daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) waxaana goob oog ah dhammaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka, sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale shirka ayaa ah mid uu albaada u xiranyahay, wuxuuna haatan ka socda xafiiska Madaxweynaha, mana ahan shir u furan oo dhinacyo kale ee ku wehlinayaan Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ka jira gudaha dalka.

Intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka siiba arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro.

Shirka ayaa sidoo kale ku furmay si ka duwan shirarkii hore, mana noqon mid ay goob joog tahay warbaahinta, si ay tabiyaan khudbadaha au jeedinayaan madaxda.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse rajada ayaa ah in xal mideysan laga gaaro arrimaha doorashooyinka  soo socda ee 2020/2021 oo haatan uu muran ka taagan yahay.

Farmaajo.jpg Madaxda-1.jpg Madaxda-2-1.jpg farmaajo-3.jpg 56A5837.jpg madaxda-5.jpg 56A5886_copy.jpg madaxda-6.jpg

 

 

The post Shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo si rasmi ah u furmay + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this