Sign in to follow this  
Deeq A.

Tijaabada Tallaalkii COVID 19 Ee La Hakiyey Oo Dib Loo Bilaabayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Tijaabada tallaalka Cudurka COVID 19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska.

Tallaadadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo inta la badbaadiyo ee la ogaanayo waxa keenay saamayn taban oo ba’an oo tallaalka la xidhiidhay.

Hayeeshee Jaamacadda ayaa Sabtidii sheegtay inay ku qanacsantahay in tallaalku aanu halis lahayn ee la sii wado tijaabada.

Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Matt Hancock, ayaa soo dhaweeyey warkaa ah in dib loo bilaabo tijaabada.

“Hakintaasi waxay muujinaysaa in aanu had iyo goor ba badbaadada muhiimadda koobaad siino. Taageero buuxda ayaan u fidinaynaa saynisyahannada si ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan tijaabada oo loo helo tallaal bed qaba” ayuu yidhi.

Warbixin ay soo saartay Jaamacaddu ayay ku sheegtay in ay ” filaysay in dadka ka qayb gelaya tijaabadan weyn qaarkood bukoon karayeen”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this