Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho oo maanta furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa waxaa saacadaha soo socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka daah-furi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb-galayaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa in ntiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka , si xal mideysan loo gaaro.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid cakiran, waxaana Muqdisho ka socday kulamo looga hadlayo marxaladda kala guurka ee haatan lagu jiro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this