Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay Miino la qaraxday

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimadda Online) – Booliska wadanka Kenya ayaa sheegay iney miino ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo wadada u dhaxeysa Faafa iyo Gaarisa ku aasayay waxyaabaha qarxa.

Sida la sheegay qaraxaas waxey waxyeello kasoo gaartay 7 ruux, saddex ayaa dhimatay halka afar kalan ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Saraakiil ciidan ayaa tilmaam ka bixiyay nuuca gaariga ay wateen, waxaana lagu sheegay Toyota Hilux, sidoo kale saraakiil ciidan oo goobta booqday waxey kusoo arkeen saameynta uu qaraxa sameeyay.

Dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta gudaha waxey sheegeen iney maqleen jug xoogan ka hor inta aysan arkin uuro hawada qabsatay iyo baxsadka gaariga tilmaanta laga bixiyay oo xawaare sare ku socda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey mar walba sameeyaan falal ka dhan ah ciidamada Kenya, waxaana la aaminsan yahay in ciidamada ay kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya.

Dowlada Kenya waxey geed dheer iyo geed gaaban u fuushay la dagaalanka kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada, waxeyna ciidamo badan dhigeen xuduudka labada wadan taasoo ay rabaan iney kaga hortagaan weerarada Al-Shabaab.

The post Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay Miino la qaraxday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this