Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka qayb-galay Aaska marxuum Shaafi Raabi

Recommended Posts

Deeq A.   
raabi.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxu intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Kooxda Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka qayb-galay Aaska marxuum Shaafi Raabi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this