Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa wada-xaajoodka Taliban?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka waxa uu horey ugu aqonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano.

Balse waxaa muuqata in mareykanka iyo dowladda Afqanistaan imika ay isku dayayaan in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan.

Soomaaliya waxaa dolwadda dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab oo marka la eego farsamooyiinka ay adeegsadaan dhanka dagaalka ay isaga mid yihiin kooxda Taliban.

Dadka lafagura arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay farta ku fiiqayaan in ay haboon tahay in dowladda Soomaaliya ay wadahadalo la furto kooxda Al Shabab.

Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir)oo u kuurgala arrimaha Soomaaliya ayaa rumaysan in madaxda Soomaalida looga baahan yahay inay wax ka bartaan wadahadallada Mareykanka iyo Taliban.

“Waxaanu ka baran karnaa in wadahadal aan ugu yeerno oo dowladda ku dhawaaqdo iyo dadka imika gacanta ku haya Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan Al-Shabaab, lana waydiiyo horta waxa ay rabaan, ” ayuu yiri Axmed Tiir.

Waxyaabaha loo baahan yahay si wadahadal loola furo Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ah in la helo dowlad saddexaad oo arrintaasi fududeyso,

“In la raadiyo dowlad saddexaad oo ay xafiis ka furan karaan, hadda Taliban waxa lagula hadlayaa Dooxa waayo marnaba kuma aaminayaan wadanka gudihiisa ” ayuu yiri Dr Tiir.

Maxay ku kala duwan yihiin Taliban iyo Al-Shabab?

Sida uu rumaysan Dr Axmed Tiir kooxaha Talibaan iyo Al-Shabaab ayaa inkastoo ay ka siman yihiin weerarada ay dadka rayidka ku dhintaan ayaa haddana waxaa jira waxyaabo ay ku kala duwan yihiin.

“Inkastoo ay ka midaysan yihiin Taliban iyo xarakada Shabab dhanka is qarxinta haddana waxay ku kala duwan yihiin fahamka guud, dowladnimada iyo sida loo dabaqayo shariicada islamka ” .ayuu yiri Dr Axmed Tiir.

Dr Axmed ayaa intaa ku daray in Talibaan aysan lahayn hogaamiyayaal ajnabi ah islamarkana u jeedadooda ay tahay mid siyaasadeed.

“Waxay leeyihiin(Taliban) arrin ku dhamaanaysa siyaasadda, marka nimankaas wax badan ayaa lagala xaaltami karaa, oo waa niman lala hadli karo, laakiin nimankan Al-Shabaab waxay u muuqdaan in aanay lahayn dano siyaasadda ku dhamaanaya ” ayuu yiri.

Isha BBC.

The post Maxay Soomaaliya ka baran kartaa wada-xaajoodka Taliban? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this